Home arrow Siyaasadda | Aduunka arrow Ninkii Dharka Hidaha iyo Dhaqanka Soomaaliyeed u Xiray Obama oo Hadlay
Halaagii Dhacay Looma Kala Harin
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:851
Date:30-11-2008
SOMALI STARZ TEAM IN SEATTLE XAWAALADA IFTIN
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:350
Date:23-11-2008
Somali Army 70´s and 80´s
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:770
Date:13-11-2008
BEST NIIKO-WAA IDILAA
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:1247
Date:13-11-2008
Ciyaarah Dhaqanka Somali, Oromo, Cafar
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:456
Date:13-11-2008

Laanta Afka Soomaaliga

BBC
Voice of America

Polls

What type of government should Somalia have?
 
How do you rate President Abdullahi Yusuf?
 

Syndicate

Get Our News Updates
Nov 07 2008
Ninkii Dharka Hidaha iyo Dhaqanka Soomaaliyeed u Xiray Obama oo Hadlay
Written by Ali Moallim   
Friday, 07 November 2008

Obaama oo dhar Loo XirayoWaqooyi Bari,(insidesomalia.org)-Iyadoo dalka Mareykanka loo doortay inuu hogaamiyo Brack Obama oo asal ahaan kasoo jeeda Afrika, gaar ahaan Kenya ayaa waxaa doorashadiisa si weyn u soo dhaweeyay caalamka, gaar ahaan Afrika.

 

Muxumad Xasan Mumin (Dukow) oo ah oday Soomaaliyeed, oo dharka hidaha iyo dhaqanka Somalida u xiray Brack Obama mar uu booqday degmada Wajeer ee Waqooyi-bari Kenya ayaa sheegay inuu aad ugu farxay doorashada Obama.

 

"Warbaahinta caalamka waxay horay u baahiyeen aniga oo dhar u xiraya Brack Obama mar uu nagu soo booqday Wajeer, waxaana la igu sawiray anigoo dharka u xiraya, taasoo la doonayay in lagu dilo sumcadiisa" ayuu yiri Dukow.

 

Muxumad Dukow, wuxuu sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay in Obama loo doorto Madaxweynaha Mareykanka afarta sanadood ee soo socda, dadaal dheer oo uu sameeyay kaddib.

 

"Aad baan ugu faraxsanahay guusha Obama, waxaana qalayaa wax walba sida: Digaag, Geel, Lo' Ari; anigoo muujinaya sida aan ugu farsanahay doorashadiisa" ayuu yiri Dukow, oo intaas ku daray inuu horay u sheegay inuu taageersan yahay Obama.

 

Intii ay socdeen ololayaasha doorashada dalka Mareykanka ayaa waxaa lagu soo sawiray jaraa'id iyo shabakadaha Mareykanka sawirka Brack Obama oo ku sugan Wajeer halkaasna loogu xirayo dhar dhaqameedka Somalida-Kenya.

 

Sawirkan iyo hadalada la daabacay ayaa waxay dhamaantood ahaayeen kuwo lagu doonayay in lagu dilo sumcadda Brack Hussein Obama, waxaana ugu dambeyn uu shalay (Nov 5, 2008) ku guulaystay inuu noqdo Madaxweynaha 44-aad ee Mareykanka.

 

Dukow oo la weydiiyay inuu rajeynayo in Brack Obama uu wax u qabto isaga, deegaankiisa iyo dalkiisa, ayaa sheegay inuu aad u rajeynayo dhawaana la arki doono waxqabadkiisa.

 





 
Comments (0)add
Write comment
quote
bold
italicize
underline
strike
url
image
quote
quote
smile
wink
laugh
grin
angry
sad
shocked
cool
tongue
kiss
cry
smaller | bigger

busy
 
Newer news items
Older news items

<< Previous Page                    Next Page>>

< Prev   Next >